Thursday, November 12, 2015

BARO SHUKAANSIGA

BARO SIDA LOO SHUKAANSIGA 



Barashada Shukaansiga oo ah barnaamij tixana ah ayaan Maalmo kadiba waxan soo gudbinaa qeyb kamid ah Barashadiisa iyadoo Bulshada Soomaaliyeed ee ku xiran shabakada warka.aduun.com ay codsadeen in loo bilaabo barnaamijkan
Hadii aan idin xasuusino qeybtiisii hore ee Barnmaaijka kulankiisa kowaad waxa uu inoo marayay
“Waa xaqiiq hadallada macaan iyo is jilcintu inay ku beerto beer jileec qofka aad u calaacalayso, haka xishoon inaad shaqsi aad beer laxawsato waayo waxaa ka weyn wanaagga aad ka dooneysid, qofi way ku karhan kartaa laakiin xusuusi in jacaylku yahay “Yowmu laka wa Yowmu lii.”
Kabilaaw oo ku dar Maanta qeybtan kale
Manta waa aniga jacaylka berrina inuu haleeli karo iyada ama isaga ama maahmaahdan (Every person has a day, today is your day, tomorrow will my day). Ammaantu waxay ka qayb qaadataa kasbashada qofka aad rabto inaad haasaawe la wadaagto, marka ku dheh sidatan:-
Cimrigey intaan jiray
Carro edge intaan maray
Calmashada kalgacal
Cuddoon aan la wadaagay
Ceeynkaaga oo kale
Carradan kumaan arag
Cindigeyga mayu gelin
Mar na inaan cid kula simo
Calmashada naftaada
Ceeb miyaa inanyahay
Cadaadiskaan I haysto
Ceeymis la’aanta naftaada
Cadmaan u heloo aad iigu
Cadaadinee ama I
Caymiyoo aan wada
Caweyno macaaney
Shaqsiga aad doonayso ma ahan qalbi dhagax, waxaana macquul ah inay wax kula qabato, haddaba, haddii aad ku guuleysan wayso la soo xiriir xarunteena Is-arag Bookshop ama Studiyaha mataanayaasha si aan kuu siino faah-faahin dheeri ah.
Haddii aad rabto qof aad aragtay ama hal mar aad kulanteen sida aad u shukaansan lahayd; haddii ay tahay shaqsigu mid aad isku aragteen goob shaqo ama guri, iskuul ama jid ay soo marto mar kasta, marka hore ku dheh “Heblaayo haye ama hebel haye” marka uu soo jeesto kuu dheh “iga raali noqo walaal,
Waxaan ku moodayay qof aan garanayee ee walaal isku ekedihiin! Maxaad isku tihiin, maashaa allaah” waxaa kuu furmaya waddadii aad u mari lahayd sida “iga raali noqo aboowe/ abaayo, ado iga raali ah xagged deggan tihiin? Magacaa?” Marka aad ka hesho jawaabo, adna u sheeg magacaaga ama marka hore isku sheeg kaada si ay kalsooni u hesho qofka aad la hadlayso .
Dhamaaad Lasoco Qeybta xigta
FIIRO GAAR AH : HALKAN HOOSE WAXAA KAAGA BANAAN MEESHA AAD FIKIRKAAGA KUSOO BAN DHIGI LAHYD , FIKRADAADU WAA LAF DHABARKA BULSHADA , MAXAAD KA AAMINSANTAHAY BARNAAMIJKAN CUSUB EE BARASHADA SHUKAANSIGA, WAA NOO MUHIIM
Load disqus comments

0 comments