Wednesday, January 20, 2016

CABSIDA GUUL DARADDA !!!!

Kaligaa ma ahan hadii aad ka baqdo guul daro. Waxaa la yiraahdaa cabsidu waa dareen ee ma ahan xaqiiq. Dareen kaas oo kuu muujiya ama si qiyaali ah kuugu sawira muuqaal guul daro.Ogow hadii aad ka baqdo wax kasta ee aad doonayso in aad qabato ma gaaraysid horumar.

Waa sax cabsidu waxa ay leedahay  qasaare laakiin adiga ayaa la doonayaa in aad ka fakarto oo si qoto dheer aad uga fakarto in cabsida ku haysa ay tahay qiyaali iyo in aad hesho xog xaqiiqi ah oo si la taaban karo kuu tusaysa guul darada.

Hadii aad damacdo in aad bilowdo ganacsi  laakiin aad iska dayso cabsi darteed adiga oo aan hayn xog xaqiiqi ah ,  isla markaana  qof kula mid ahi bilaabo kana helo faa'dio, horumarna ka gaaro, waa qasaare aad ku lumisay fursad kusoo martay cabsi darteed.

Ma ahan in aad ka cabsato guul daro... Guul daradu waxa ay noqotaa cashar hadii ay kusoo marto. Ula dhaqan guul darada sida saynis yahaniinta oo kale. Marka qof Saynis yahan ahi tijaabo sameeyo, waxaa u soo baxaa natiijooyin badan. Natiijooyin ka qaarkood waa faa'ido , qaarna waa guul daro, laakiin dhamaan najiitooyin ka oo dhan waxa ay tilmaamaan xaqiiq. Tijaabo kastana waxa ay noqotaa qayb horseeda xaqiiq da.

Sida dadka caadiga ahi u arkaan guul daradu way ka duwan tahay sida Saynis yahaniintu u arkaan. Qof ka caadiga hadii uu guul daraysto mar waxa uu u arkayaa in ISAGU uu yahay guul darada tusaale hadii qof ku mar Imtixaan ku dhaco waxaa loo arkaa in uu yahay damiin / aan caqli badnayn, hadii uu ku guuldaraysto ganacsi in uusan ahayn qof ganacsi wax ka yaqaan, laakiin intaas oo dhan waa been.
Guul daradu waa fursad kugu reebta qibrad iyo ilbaxnimo, cashar aad dheer tahay qof cabsada horumarna waarana kuu horseeda. 


xigasho: shabakada.com
Load disqus comments

0 comments