Sunday, January 17, 2016

Kalsoonida Nafta… See Lagu Helaa Ama Lagu Waayaa ?

Picture



Hordhac : Ilaahay ayaa mahad leh Nebigeenana ( NNK) inata kadib.  Kalsoonida naftu waa in qofku dareemo qiimaha naftiisu u leedahay waxyaabaha ku hareeraysan  markaasna kalsoonidaa u turjumo dhamaan dhaqdhaqaayadiisa iyo hab dhaqankiisa isagoo aan khilaafayn caqliga iyo dhaqamada hufan dareemayna argagax iyo naxdin midna  , dhaqamadiisa ayaana xukuma ee maya kuwa loo yeeriyo ama loo sheego Marka uu dhaqmaayo ama wax qabanayo wuxuu adeegsadaa awoodiisa aqooneed, hawlkarinimo iyo wax qabad, dhamaan waxii intaa kasoo hara waa  kalsooni daro waxayna qofka ka dhigtaa qof dadka waardiye ka haya kee ku dayadaa(raacdaa) ama ka hadhaa waxaana lasoo dersa murugo iyo deganaansho la` aan go`aankasta iyo talaaba kasta oo uu qaadayo.

·        Muhiimada  Kalsoonida  Nafta .

1.     Wexey qofa dhaxalsiisaa  dhaqamo toosan lana jaan qaada xaaladaha ku hareeraysan.

2.     Kalsoonida naftu waxay qofka ka ilaalisaa dhaqmada cadaawada iyo aargoosiga.

3.     Qofka naftiisa ku kalsoon wuxuu awoodaa helida khibrad nololeed, barashada dhaqamo iyo xirfado iyo inuu si fudud uguul gaaro kana dheeraado guuldarada.

4.     Kalsoonida naftu waxay qofka dhaxalsiisaa aragtiyo shaqo, howl-karnimo  iyo cusboonaysiin qaababkiisa wax qabad.

·        Astaamaha   Qoka  Isku  Kalsoon.

1.     Waa mid jecel wax is barida iyo helida khibrado cusub.kana hortaga dhaqamada xun xun  ama qalafsan

2.     Wa mid dadkiisa iyo dalkiisa jecel ismana  buriyo cadaawadna lagama dareemo.

3.     Wuxuu yaqaan  siduu  uga  hortagi lahaa dhibaatooyinka iyo mushikiladaha nolosha wuxuuna caan ku yahay go`aamo wan-wanaagsan waxtarna leh.

4.     Wuxuu la jaanqaadaa is bedelada  ka dhacaya deegaanada ku hareeraysan

·        Maxaa  Keena  Kalsoonidarada:

1.     Inaad aaminto In bulshadu ilaala kaa hayaan  khalad  kastoo kaa dhacana qorayaan.

2.     Baqdin iyo  deganaansho la` aan wax kastoo  aad samayso una haysato inay garab marsanyihiin caadada  dadkuna eedayn, canaan iyo liidid kuula imaandoonaan.

3.     Dareemid  inaad tahay shaqsi tabardaran suura galna aysan ahayn inuu wax hora marinkaro ama aaminto inaadan  bulshada waxba ka ahayn.

Ila Eeg Akhriste:

Kalsoonida nafta  wexey qofka usuura gelisaa inuu la qabsado deegaanka ku hareeraysan haday noqonlahayd qoyska, shaqada iyo saaxiibadaba. Inuu nolosha dhex jibaaxo kana guul gaaro.

Kalsoonida naftu waxay qofka ka dhigtaa mid mutawaadic ah aqoona u leh heerka uu bulshadiisa ka joogo wexeyna qofka dhaxalsiisaa horumar joogta kaaso ka dhasha dulqaadka iyo dadaalkiisa. Wuxuu qiimayyaa noloshuu ka soo gudbey wuxuuna daahfeydaa mustaqbalkiisa wuxuu ku kalsoonyahay naftiisa kuna farxaa guulihiisa una  hanqal taagaa mustaqbal fiican.

Kalsoonida naftu waxay u baahantahay in qofku aqoon buuxda uleeyahay naftiisa iyo xaaladiisa caafimaad, rumayona naftiisa isaga oo aan xaqirayn ama weyneyneyn.

·        Dhibaatooyinka  Hor istaagi  Kara  Kalsoonida Nafta:

1.     Hoos u dhaca maskaxda iyo Isku dhexyaaca dhanka fekerka .

2.     Aqoon la`aanta, ilowga badan iyo guul daro shaqo.

3.     Macsida faraha badan iyo alla ka cabsi la`aanta .

4.     Firfircooni la` aanta iyo dhexgal xumida bulshada.

·        10 Qodob oo Kalsoonida Nafta Lagu Dhiso:

1.     Ilaahay rumay magangelyona weydiiso  hana ka  caajisin.

2.     Raja sami ku noolow waqtiyadoo idil samina ka muuji wax kastoo ka dhaca hareerahaaga.

3.      Naftada run ka sheeg  ujeedooyinka aad  u nooshahayna caday  awoodaadana baro.

4.     Dareen fiican u lahow natiijada waxaad samayneyso ama samayndoonto.

5.     Baro sida loo dheho (maya), wixii aadan niyad ama waqti u hayn.

6.     Fikradahaaga cabir biya dhacoodana caday dadkana ku qanci.

7.     Ahow qof nool muuji dareenkaaga dhegeyso,jirka ka hadal,aamus,tilmaan,ilmay,qosol.

8.     Ha isku mashquulin waxa dadku kaa sheegaan wanaaga  ka qaado.

9.     Dardar howleed lahow, ha amaanin guulaha dadka kale, qor,dheh, fikrad ka dhiibo.

10.                      Qanac, raalina noqo xasiloonidana ilaali  noloshaadana  hagaaji.

Gabagabada: kalsoonidu waxay qofka dhaxalsiisaa Aragtida toosan, soo jiidasho, awood hadal, lafagurid iyo adeegsi ereyo haboon isuna dheeli tiran. Hadaba aan kobcino kalsoonida nafteena iyo wax u qabashada bulshadeena. 


QORE: Najeeb Beehan Ahmed  { MACAMAR } 


XAQUUQDA: www.barowaxadanaqon.blogspot.com







Load disqus comments

0 comments