Qofka waa in aan ku qiimeeynaa wanaagyada maldahan ee
dabeecadda maxaa yeelay iyadaa ah midda sida saxda ah u go’aamineysa sida uu qofka isaga iskula macaamili doono, adiga uu kugula macaamili doono, carruurtiinuna hadhow ula macaamili doono.
Sidoo kale wanaagyada maldahan ee dabeecadda ayaa ah aasaaska xirriir kasta oo uu dadka wadaago, waxaana jira wanaagyo lagu qiimeeyo qofka aad nolosha la wadaageysid, kuwaasoo aan ku soo koobeyno shantan qodob:-
1. Daacadnnimo iyo run-sheegid: Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee keena xirriir caafimaad qaba. Haddii aad ogaato qofka nolosha aad la wadaageysid in uu yahay runlow, taasi waxa ay ku siineysaa dareen weyn oo deganaan ah. Dhinaca kale hadddii aad ogaato in lamaanahaaga uu been kuu sheego waxaa ku soo wajahaysa nolol kacsan, shaki badan & carro badan, sababtoo ah haddii aan runta la isku sheegin kala shakin ayaa imaanaysa, taasoo carqalad ku keeni karta lamaanayaasha, isla markaana burburin karta kalsoonidoodii iyo is aamminaaddoodii.
2. Daareen deeqsinimo: Xirrirka ama lamaanennimada caafimaadka qabta kuma salyesna in la wadaago aqalka iyo sariirta ee waxay ku saleysan tahay in la wadaago dareennada, taas micnaheedu waxay tahay xabiibkaaga in aad u muujiso jacelka aad u qabto inta uu la egyahay, isla markaana aad u sheegto sida uu kuu qiimeeyo adi-ga. Waana in labada dhinacba had iyo jeer la isku muujiyaa dareen iyo is qiimeyn dhalanteed ka fog.
3. Dareen mas’uulnimo: Xabiibkaaga ama xabiibtaada waa in ay noqotaa qof u bisil in ay iyada is daryeesho adigana ku daryeesho. Mas’uulnnimadu waa in qofka uu ka fekaro nolosha iyo dareenka inta uu mas’uulka ka yahay.
4. is qiimeeyn sarre: Xabiibkaaga waxaa uu ku jeclaan karaa inta uu isaga is jecel yahay. Qaladka ugu weyn ee aan sameeyno marka aan xabiib ama lamaane dooraneyno waa inagoo xoogga saarna ilaa inta uu qofku na jecel yahay iyo sida uu noola dhaqmo, balse inaga ma eegno sida uu isaga iskula dhaqmo. Haddaba, xabiibkaaga is qiimeyntiisa marka uu sii kordhiyo xirriirkiina waa uu xoogeystaa.
5. Fekrad suggan: Lamaanayaasha rajada fiican nolosha ku leh waa dad ay ka buuxaan hamiyo wax ku ool ah iyo waxqabadyo waxtar leh. Haddii qofka nolosha uu ka fiiriyo dhanka fiican waa lamaanaha kuu horseedi kara nolol farxad iyo reyn reyn leh, isagaas ayaana ah lamaanaha aad ku haleyn karto noloshaada.
xaquuqda: barashadanolasha.blogspot.com
0 comments