Saturday, May 7, 2016

Farxad,Caliga, iyo Go'aanka sidee loo maareeya

asc.. idil ahan aqrista yaasha ku xiran web-ka #hormari naftaada . waa casharadeena oo ino sii socon doono fasax badan oo na kala mashquuliyey ilaah aya mahad leh isku so noqoshadeena.... 

Image result for picture of decision


Nin ayaa beri nin kale oo ay walaalo ahaayeen u iibiyey gaadhi aad u qurux badan oo kuwa lagu xarragoodo ah. Ninkii gaadhiga loo iibiyey oo maalin maalmaha
ka mid ah gaadhigiisii ag taagan ayaa waxa u yimid nin ay deris ahaayeen. Way isa salaameen dabadeedna waxa dhex martay sheekadan yar:
-Gaadhigani muxuu ahaa?
-Waa gaadhi cusub oo aan anigu iska leeyahay. Waxa ii soo iibiyey walaalkay.
-Waa gaadhi fiican. Waxaan jeclaan lahaa in aan gaadhigan oo kale yeesho.
- In aad jeclaatid in aad gaadhigan oo kale yeelatid waxa ka wanaagsan in aad jeclaatid in aad yeelato walaalka soo iibiyey oo kale!
Qof kasta oo aadami ahi waxa uu leeyahay maskax ilaahay siiyey; wax buu qabsan karaa, wax buu baran karaa, wax fiican oo cusubna waa uu soo kordhin karaa. Laakiin waxa mararka qaarkood la yidhaahdaa caqliga iyo geesinimadu qofka kuma wada kulmaan. Caqliga badani waxa uu keenaa in uu qofku wixii madmadow ka galo ka taxaddiro. Geesinimaduna waxa ay qofka mararka qaarkood ka dhigtaa mid soomajeeste ah oo dhibaatooyinka nolosha, haddii aanu gu’in , calooladayg kaga gudba.
Farxaddu waa wax loo wada baahan yahay, hase ahaato ee waxa lagu kala duwan yahay waxa ay tahay ama macnaynteeda. Waxa jira laba farxadood oo kala ah farxad yar (Pleasure) iyo mid weyn (Happiness). Haddii qof gaajo dareemayey uu meel wax ka cuno waxa uu ka gudbay baahi haysay. Haddii qof meel fog u lugaynayey oo aad u daalanaa gaadhi lagu qaado oo la geeyo meeshii uu ku socday, qofkaasi waxa uu garanayaa in rabitaankiisii la daboolay. Farxadda yar waxa la dareemaa marka baahi ama rabitaan jiray laga gudbo sida labadaa nin ee midi baahidii cunto ee haysay uu ka gudbay, midna rabitaankiisii la daboolay. Farxadda yari arrimaha nolosha ayey ka soo dhex baxdaa, oo qofka dibedda ayey kaga timaaddaa.
Farxadda weyn inteeda badani waxay ku dhex jirtaa qofka laftiisa. Waa xasillooni ama degganaan ay nafta iyo qalbigu dareemaan. Degganaanshahaa ama xasilloonnidaas nafeed ama qalbi iyo farxaddii yarayd ee aynu soo sheegnay oo la isu geeyey ayaa sameeya farxadda weyn.
Farxadda laguma helo in loo yaaco, sidii dad roob ka ordaya, oo maal ama mansab ama magac ama intaas oo la isku darayba la raadiyo. Farxaddu waa iimaan, degganaan, xasillooni iyo qanacsanaan uu qofku dareemo. Ma aha wax ku xidhan in uu qofku lacag badan helo ama uu noqdo mid caan ah oo ay dad badani magaciisa iyo muuqaalkiisa garanayaan.
Qofka aadamiga ahi waa uu cadhoon karaa. Sidaa si ka duwan qofku farxad waa uu dareemi karaa. Haddaba dadka aqoonyahannada ah ee arrimaha nolosha wax ka yidhaahda qaar ka mid ah ayey la tahay in aan go’aannada waaweyn la gaadhin ama lagu degdegin xilliyada uu qofku cadho ama farxad badan dareemayo. Cadhadu sharka ayey oodda ka qaaddaa, farxadda badanina in aad wax ilduufto ayey mararka qaarkood keeni kartaa.
Muhimmaddu waa in uu qofku ujeeddo fiican yeesho, qorshihii uu ujeeddadaas ku gaadhi lahaana dejisto. Haddii aanay labadaasi jirin dadaalka qofku waxa uu noqonayaa sida hal bacaad lagu lisay oo kale.
Waxa jirta sheeko yar oo aan mar buug ka akhriyey, taas oo isla sidii ay u qornayd aanan u soo guurin. Laakiin ujeeddo ahaan sidan u dhowayd:
Nin baa beri magaalo weyn dhex lugeeyey isaga oo iska socda oo aan wax ujeeddo ah lahayn. Markii uu in badan socday ayaa waxa uu gaadhay isaga oo daallan meel isgoys ah oo ay dhawr waddo iska gooyaan. Inta uu istaagay ayuu nin waayeel ah oo meel u dhow marayey wax weydiiyey. Inta uu mid ka mid ah waddooyinkii dhawrka ahaa farta ku fiiqay ayuu waayeelkii su’aalay: “Waddadani halkee ayey i geynaysaa?” Ninkii waayeelka ahaa ayaa isla isagii su’aal kale ka hor keenay oo ku yidhi: “Horta adigu xaggee ayaad tegaysaa?” Ninkii ayaa yidhi: “Waan iska socdaa oo ma jirto meel ii qorshaysan oo aan tegayaa”. Waayeelkii ayaa isaga oo yaabban ninkii ku yidhi: “Hadduu sidaas xaalku yahay, jidkaad doonto iska mar kolay meel uun buu ku geyne!”
Qofka bani’aadamka ahi haddii uu wax iska qabto isaga oo aan ujeeddo cayimman lahayn waxa uu noqonayaa uun sidii qof iska dhaqaaqay uun isaga oo aan meel uu tegayo garanayn. Dadaalka qofku waxa uu midho dhalaa marka uu qofku garto halka uu ka dhaqaaqayo iyo halka uu ku socdo. Marka qofku dadaalkiisii oo midho-dhal noqday uu arkana waxa uu dareemaa farxad ama raynrayn.

Read more

Saturday, January 30, 2016

Habka Ugu Sahlan ee Is-Hormarinta Qofeed !!!!!!!

Qeybta 1-aad ee maanta aan rabo in aan usoo gudbiyo akhristayaasha waxay tahay: Waa maxay is-hormarin qofeed? Maxayse tahay muhiimadda ay leedahay? Waa maxayse tiirarka ay ku qotonto ama ku taagantahay?
Muddo dheer oo aan u kuur galay hormarinta qofka (Personal development) iyo hormarinta maamulka (Administration development), waxaa iiga soo baxday in macnaha rasmiga ah ee hormarinta qofeed aysan laheyn qeexid laysku waafaqsan yahay ama heshiis lagu wada yahay. Qoraa kastana si buu  u qeexaa, in kastoo isku dayo badan ay sameeyeen khubaradda maamulka, tababarayaasha, iyo kuwa xiiseeya Is-hormarinta qofeed, ayey ku sheegeen sida tan: Is-hormarinta qofeed: waa hannaan shareecada islaamka waafaqsan,  qofkuna ku hormarinayo ama ku raadinayo xirfad, cilmi, dhaqaale, hab-dhaqan toosan, iyo xeriir bulsho, taas oo gaarsiinaysa inuu dareemo raali ahaansho(personal satisfaction) iyo nabad gudaha ah, kuna kaalmeyneysa inuu diiradda saaro sida uu ugaari lahaa hadafyadiisa nololeed, iyo sida uu ugu guulaysan lahaa culaysyada soo wajaha, ee hakinaya horusocodkiisa.
Qeexitaankaan wuxuu ku dhisan yahay qodobo muhiim ah oo kala ah:
Hadafka/Yoolka guud ee qofka muslimka ahi uu nolosha ka leeyahay ayaa waxeey tahay in uu gaaro  raali ahaanshaha Alle, galana Janadiisa. Sidaa daraadeed, waa inuu udhaqmaa qofku hab gaarsiinkara Yoolkaa, una camal falaa si uu u gaaro hadafkaas. Intaas waxaa dheer dhamaan Ahdaafta kale waxay kaalmeynayaan hadafkaas nololeed ee guud. Tusaale ahaan Ahdaafta kale ee qofka waxaa ka mid ah inuu hanti tabco. Hadaba waa in lagu tabcaa wado Xalaal ah si ay u kaalmeeyso hadafka guud ee nolosha.
Isku soo wada duuboo Is-hormarinta waa in ay tahay mid ku salaysan ama waafaqsan diinta Islaamka. Qofka loogama baahna inuu ka raadiyo Is-hormarintiisa waxyaabo aan waa faqsaneeyn shareecadda Islaamka. Is-horamrinta waxaa sal u ah xoojinta sidii uu u dahiri lahaa qofku nafsadiisa si uu u gaaro dhameystirnaanta Iimaanka ama sare ugu qaado. isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo hoos u dhigaya Iimaankiisa. Sidoo kale Is-hormarintu kuma xirna da’ ama xili go’an, ee waa hawl joogta ah oo looga baahanyahay qofka. Isla markaana uu ku dadaalo wax kasta oo ka qeyb qaadanaya hormarkiisa, ha ahaato Cibaado fara badan, cilmi kororsi, abuuris xeriir fiican oo bulshada dhexdeeda ah.
Muhiimadda ay leedahay Is-hormarintu waxa ka mid ah:
  • Ugu horeyn ma jiraan aduunkaan wax sugan, ee isbedel joogta ah ayaynu ku jirnaa, sidaa darteed waxaa loo baahanyahay sidii loola qabsan lahaa isbadaladaas, uuna qofku si joogta ah  isu hormarinlahaa si uusan uga harin Tareenka nolosha.
  • Waxaa kaloo jirta baahi joogta ah oo ah dhinaca xirfada iyo macluumaadka intaba, qof kastana wuxuu  u baahan yahay si joogta ah inuu u baadi goobo.
  • Suuqyadda shaqadda ma naxariistaan ee waxay u baahanyihiin xirfado cusub iyo macluumaad dheeri ah. Hadii aadan aheyn qof si joogta ah isku hormariya, tartanka shaqadda waad ka hareysaa, wayna kugu adkaaneysaa in aad la qabsatid shaqadda.
  • Culaysyadda nolosha soo wajaha weey badan yihiin sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay in aad markasta baratid tabaha iyo sidii aad ula dhaqmi laheed ama uga gudbi laheed Culeeysyadaas.

Tiirarka eey ku taagan tahay Is-hormarinta
Wax kasta sal iyo asaas ayey leeyihiin, hadaba halkan waxaan si kooban ugu sharxi doonaa Shanta Tiir ee Is-hormarintu ku taagantahay. Waxayna kala yihiin sidan hoos ku qoran:
  1. Waa in aad istaqaano
Qofku waa in uu isweydiiyaa kumaa tahay? Maxeyse tahay awoodaada iyo xirfadda aad leedahay? Hadii uusan qofku su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa ku adkaan doonta inuu Is-hormariyo.
  1. 2. Waa in eey kuu cadahay waxa aad ka damacsantahay noloshaada.
Waxaa loola jeedaa qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado  gaaritaankooda mudo sand ama ka yar ah,waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho loqadeed iwm. Taasi macnaheedu waa in qofku leeyahay meel uu ka duulayo, ogyahayna meesha uu u socdo, laakiin hadii uusan ogeyn meesha uu u socdo iyo meesha uu hada joogo waxaa cad in uu ku fashilmayo is-hormarintiisa.
  1. 3. Waa in aad taqaanid sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo dadka kale intaba
Waa in aad taqaanid waxa aad ka rabtid ama ka damacsantahay nafsadaada iyo tan dadka kaleba, aadna ka dhaadhicin kartid waxa aad damacsantahay, weydiin kartidna waxa aadan fahmin, adigoo adeegsanaya qaabka iyo sida ugu wacan ee lagula xeriiro dadka kale. Hadaba waa lama huraan in aad hormarisid xirfadaha kaa kaalmeynaya xeriirka iyo bulshanimadda, isla markaana aad ogaatid in ay lama huraantahay in aad xeriir fiican la yeelatid dadka kale, ogowna waxa kula saxani, qof kale waa ay la qaldanaan karaan. Tusaale ahaan 20 qofood hadii aad weydiisid “Maxaa la dhahaa GUUL?” mid kasta sib uyuu kuugu sheegayaa  taasoo ah sida uu u arko inay tahay guusha macnaheeda. Sidaa darted waa in aad taqaanaa sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo tan dadka kale intaba.
  1. 4. Waa in aad leedahay xirfad aad kaga faa’iideysankartid hantidaada
Waxaa loola jeedaa in aad leedahay hanti aad uga maarmi kartid in aad dad kale  wax weydiisatid.Soomaalida ayaa tiraahda “Bukto badan iyo Baryo badan waa la isku nacaa” Taasi waxay kugu dhiiri galinaysaa in aad abuuratid illo dhaqaaleed. Maxaa yeelay hadii aadan heysan lacag aad isku hormarisid ama aad isku maal galisid Is-hormarintu wey adag tahay in ay sidii la rabay noqoto.
  1. 5. Waa in aad leedahay Xirfado aad wax isku bari kartid
Tani waxay tilmaameysaa awooda aad u leedahay in aad si fudud ama dhaqso ah ku heli kartid kuna kobcin kartid macluumaadka iyo cilmigaagaba, adigoo adeegsanaya marba xirfadda aad u baahantahay ee kaa kaalmeyneysa waxa aad ubaahantahay. Tusaale ahaan maanta oo caalamkii uu noqday tuulo oo kale (Global village), oo macluumaad kasta aad ku heli kartid muddo kooban, bal kawaran  hadii aadan aqoonin sida loo adeegsado internet-ka. Sidaa daraadeed waa in aad abuurtaa amaba kordhisaa xirfadaha kugu saacidaya kororsiga cilmiga.
Shantaan tiir ee aan soo sheegay, ayaa u ah jiridka ay ku taagantahay Is-hormarinta, la’aantoodna ay adagtahay inuu qofku Is-hormariyo.
Gabagabo iyo Gunaanad
Qormadeenan 1-aad waxaan si kooban uga hadalnay “waa maxay Is-hormarinta qofeed? Muhiimadda eey leedahay iyo Tiirarka eey ku qotonto. Kulankeena xiga ayaan kusii lafo guri doonaa qeybaha kale ee mawduucaan. isku daygaan aan sameeyey ee ku aadan sida aan ugu faa’iideyn lahaa qofkasta oo jecel inuu Is-hormariyo. Wixii sixid qaladaad, tusaaleyn ama  talo ahba adoo mahadsan fadlan iigu soo gudbi cinwaanadeydan hoose.
Read more

Thursday, January 28, 2016

U HIILI NAFTAADA!!! HADAD DOONAYSO GUUSHA NOLASHA !!!!! W/Q najeeb beehan ahmed

Mawduucan waxa aan kaga hadli doonaa wax yar oo ka mida dhiiri galinta nafta iyo sidi aad ku gaadhi la hayd waxa aad hibanayso ee maankaaga ku jira, waayo qofkastaa waxa uu leeyay han iyo himilo uu isleeyay ka gungaadh inta uu ku suganyay aduunka guudkeeda.
Hadaba inta aanan u gudbin ubucda mawduuca aan wada akhrino sheekadan yar oo ina garan siin doonta sida loo hantiyo guusha.
Bari ayaa waxa jiray Dabagaale yar oo aan aqoon habka   qadhaabsiga, cabsi badana ka qabi jiray inuu qadhaabsado oo uu la tartamo qayrkii, dhamaan Dabagaalayaasha kale way  dili jireen oo inta yar ee uu meel ka helana way ka qaadi jireenWakhti wakhtiyada ka mid ah ayaa Dabagaalihii yaraa tashaday oo uu go’aan ku gaadhay in uu noqdo mid qadhaab taga oo duruuf kastana u samra oo ka soo waajahda qadhaabsigisa sidoo kale waxa uu sameeyay tababar aad u adag waxa aanu go’aan ku gaadhay inuu noqdo mid aan isku dhiibin duruufaha qalafsan eek u gadaaman.
Dabagaalayaashii kale oo dhami waxa ay arkeen in uu noqday mid firfircoon oo awood leh cidna aan u joojinayn, lagana badinayn dhanka qadhaabsiga uu yahayna mid la soo baxay hab fudud oo uu ku qadhaabsan karo.
Waxa uu arkay Dabagaalihii yaraa Dabagaalayaashii ku cawaan diyoon jiray ee hor yaaci jiray oo daba socda wuxuu qaatana aan ku habsaamin halkii markii hore laga qaadi jiray waxa yar ee uu helo laakiin hada waxa uu arkay iyaga oo dhan uga leexda waxa uu ku soo waajahanyay.
Qaar ka mida Dabagaalayaashi way ku soo dhawaadaan oo way garab sadaan si ay uga dhigtaan saaxiib oo waxa ay ku eegaan  indho naxariis leh iyo waji dabacsan oo wanaag ka muuqdo .
Asxaab badan buu yeeshay Dabagaalihii yaraa, markii hore ee uu ahaa daciifka ee uu yaraa mid walba waxa uu isku dayi jiray in uu ka hafo oo ka dhufto waxa yar ee uu meelahaas ka helo iyada oo aan loo galayn wax dubaq naxaa oo waji xun lagu eegayo , markasta waxa uu ahaan jiray ka ugu dambeeya mid jixinjix u gali jirayna ma jirin saaxiibna hadalkiisaba daa oo ka raacaaba la maagi jiray.
Waxa uu ogaaday markii uu tashaday ee uu naftiisii wax taray ee uu go’aan adag qaatay si adagna u shaqeeyay ee aanu cid bada fadhisan in lagu soo wada daba faylay isaga.
Waxa uu garwaaqsaday in uu noqday halyay aanay cidi ku soo habsaamayn oo imika isaga wax la bidayo .
Waxa uu  ogaaday maalintuu naftiisa u kacay ee uu garawsaday inuu yahay mid jira oo wax qabsadayin la wada hiigsaday oo cid wixiisa hawaysata daayoo isaga laga garab sado cadawga.
sidii baanu u ahaa mid jira oo talada wax laga waydiiyo oo aan dhacdhan loola iman in garab laga dayo mooyee………
………………………………………………………………….
Ogooaw oo agsoonaw oo maanka ku hayn in maalintaad naftaada u kacdo, kadeed oo dhana u dhigato dhabarka inaad noqonayso mid lagu daba faylo waxna la waydiiyo isaguna wax is tara inta kalena wax tara .
Mida kale iga gunud oo xaqiiqso inaan cidna intay gacanta ku qabato ku soo kicinayn cid ku sii jabisa mooyee , ilaa intaad odhanayso waa in aan wax noqdaa oo aan naftayda ku caawiyaa sidii ay u hanan lahayd booska ay aduuunka kaga jirto waayo waxa aad tahay qof jira oo jooga oo gaadhi kara wax kasta oo naftiisu  hibanayso   waxa aanad ku gaadhaysaa adiga oo fadhiga ka kaca oo xariiq jeexda  falawgeedna gala sidii aad u gaadhi lahayd  una dhaafi lahayd xariiqdaa kuu astaysan.
FG: shaakadaa Dabagaalaa waxa aan u usoo qadanay si aan u hogo tusaalayno waxyaabo badan oo ku gadaaman nolosheena oo aanad ka guul gaadhayn ilaa aad adigu isku tashato oo aad naftaada ku qanciso in ay ka bixi karto wax kasta oo ku xeeran oo ah duruuf aduun, waayo waa aduunyo oo lama waayo wax ku niyad jabiya ama naftaada u daran laakiin is waydii side kaga baxaysaa?
Waxa ad kaga baxaysaa adigaoo guntiga dhiisha ka dhiga oo u hawl gala sidii aad u gaadhi lahayd waxa aad   ku haminayso.
Maskaxda ku hay waa hubaal in aad ka cabayso koobka ay ka buuxaan farxada iyo guushu hadii aad u hurto wakhti iyo dadaaal oo aad ilaahayna talo saarato laakiin hadii aad iska fadhido oo aad cid kale tidhaa waxbaan ka sugayaa waxa aad markaas ku hoobatay haadaanta quusta  , ee waxa aan kaaga digayaa in aad cid kale oo aan ahayn naftaada wax ka sugto oo aad tidhaa hebel baa I biiliya .

xaquuqda: barashadanolasha.blogspot.com

wa bilaahi towfiiq 


Read more

Wednesday, January 27, 2016

Kumaa ah lamaanaha noloshaada aad ku halayn karto?????

kumaa ah lamaanaha noloshaada aad ku halayn karto? Ama Aad Ku Aamini Karto Hanoqdo Mid Laga Hello Qodobada Hoosku Xusan....... 

Qofka waa in aan ku qiimeeynaa wanaagyada maldahan ee
dabeecadda maxaa yeelay iyadaa ah midda sida saxda ah u go’aamineysa sida uu qofka isaga iskula macaamili doono, adiga uu kugula macaamili doono, carruurtiinuna hadhow ula macaamili doono.
Sidoo kale wanaagyada maldahan ee dabeecadda ayaa ah aasaaska xirriir kasta oo uu dadka wadaago, waxaana jira wanaagyo lagu qiimeeyo qofka aad nolosha la wadaageysid, kuwaasoo aan ku soo koobeyno shantan qodob:-
1. Daacadnnimo iyo run-sheegid: Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee keena xirriir caafimaad qaba. Haddii aad ogaato qofka nolosha aad la wadaageysid in uu yahay runlow, taasi waxa ay ku siineysaa dareen weyn oo deganaan ah. Dhinaca kale hadddii aad ogaato in lamaanahaaga uu been kuu sheego waxaa ku soo wajahaysa nolol kacsan, shaki badan & carro badan, sababtoo ah haddii aan runta la isku sheegin kala shakin ayaa imaanaysa, taasoo carqalad ku keeni karta lamaanayaasha, isla markaana burburin karta kalsoonidoodii iyo is aamminaaddoodii.
2. Daareen deeqsinimo: Xirrirka ama lamaanennimada caafimaadka qabta kuma salyesna in la wadaago aqalka iyo sariirta ee waxay ku saleysan tahay in la wadaago dareennada, taas micnaheedu waxay tahay xabiibkaaga in aad u muujiso jacelka aad u qabto inta uu la egyahay, isla markaana aad u sheegto sida uu kuu qiimeeyo adi-ga. Waana in labada dhinacba had iyo jeer la isku muujiyaa dareen iyo is qiimeyn dhalanteed ka fog.
3. Dareen mas’uulnimo: Xabiibkaaga ama xabiibtaada waa in ay noqotaa qof u bisil in ay iyada is daryeesho adigana ku daryeesho. Mas’uulnnimadu waa in qofka uu ka fekaro nolosha iyo dareenka inta uu mas’uulka ka yahay.
4. is qiimeeyn sarre: Xabiibkaaga waxaa uu ku jeclaan karaa inta uu isaga is jecel yahay. Qaladka ugu weyn ee aan sameeyno marka aan xabiib ama lamaane dooraneyno waa inagoo xoogga saarna ilaa inta uu qofku na jecel yahay iyo sida uu noola dhaqmo, balse inaga ma eegno sida uu isaga iskula dhaqmo. Haddaba, xabiibkaaga is qiimeyntiisa marka uu sii kordhiyo xirriirkiina waa uu xoogeystaa.
5. Fekrad suggan: Lamaanayaasha rajada fiican nolosha ku leh waa dad ay ka buuxaan hamiyo wax ku ool ah iyo waxqabadyo waxtar leh. Haddii qofka nolosha uu ka fiiriyo dhanka fiican waa lamaanaha kuu horseedi kara nolol farxad iyo reyn reyn leh, isagaas ayaana ah lamaanaha aad ku haleyn karto noloshaada.



xaquuqda:  barashadanolasha.blogspot.com
Read more

Saturday, January 23, 2016

17- qaab oo looga guuleysan karo waxaa loo yaqaan (stress) ama walwal W/Q: najeeb beehan

                                                                             

ISBADAL



17- qaab oo looga guuleysan karo waxaa loo yaqaan (stress) ama walwal

Nolosha caadiga ah ee qofka bani-adamka uu ku noolyahey weey adagtahey ama ma jirto ayaa la oran kara in uu marna dareemin (stress) ama walwal,walwalkani wuxuu in badan jawaab u yahey caqabado qofka ku yimaado waana midka sababo dhibaatooyin fara badan oo caafimaad,balse in badan oo naga mid ah ma dareemaan dilaagaan qarsoon waxeeyna mar walbo raacraacan hadba dhanka uu u weecdo.
Hadaba waxaa is weydiin mudan sida lagu xakameyn karo dilaagan qarsoon(silent killer ) waa tan 17 qaab oo aad uga guuleysan kartid.
1-Aqoonso sababta keentey walwalkani, tani waa tilaabada koobad aad ayeyna muhiim ugu tahey qofka, aqoonsiga mushkilada waxeey sahli karta inuu qofku isku dayo inuu raadiyo mushkiladani wixii xal u noqan lahaa.
2-Ka fogow balan qaad adan fulin karin,nolosha inta badan weey dhacdaa qofka inuu u balan qaado waxyaabo uu la jecelyahey dad u gaar ah noloshisa sida waalidkiisa,xaaskiisa,caruurtiisa ama asxaabtiisa asagoo markaasi jecel inuu balanqaadkani fuliyo balse mar walbo nolosha isbadalo fara badan ayey sameysa waxaana qofkani qabsata ineey u suurta gali weeyso balan-qaadkii waxeeyna ku noqotaa walwal asagoo ka fakarayo siduu ku xalin lahaa arinkani.
3-Dib ha u dhigan howshad manta qabsan kartid,inaad dib u dhigto howl aad waqtigaad joogta qaban karto waxeey keentaa (stress) iyo fakar tiro badan mar walbana waxaad ka walwaleysaa qabashada howshaad dib u dhigatey,isku day inaad qabatid howlahaaga markad firaaqada leedahey hana ku fakarin ineeysan waqtigan aheyn waqtigad qaban lehed(this is not the right time)ha iskula hadlin weedhaha noocaas ahi,ha is dhihin marna hada ma awoodid ee waqti kale ka dhigo.
4-Maamul xumo,nolosha qofka waxeey u baahantahey nidaam iyo maamul uu ku mareysto xaajooyinkiisa sidaas darted ku dadaal inad nidaamsato howlahaga si eeysan kala daadsanantada kuugu keenin walwal iyo fakar.isku day mar waliba inaad howlahaga u nidaamsato sidaad adigu ku faraxsantahey.
5-Dib u dhac, dib u dhaca ama daahida waa arimaha ugu badan ee noo keeno walwalka iyo fakarka,waxaad isku dayeysa inaad dhaqsato oo aad ka gaarto meeshaad dooneysey,taasina waxey ku keeneysaa tash iyo fakar iyo inaad naftaada nacdo ama aad ka shaleeyso daahidada kana fakarto cawaaqibtaad kala kulmi lehed meshaad ka habsaantey…caadeyso inaad waqtigaaga ilaalisid hana ka habsaamin meeshaad aadeysid,  waxaa dareemeysaa farxad iyo reyreen markad waqtiga ilaaliso.
6-Haku mashquulin cidan naftada aheyn,xasuusnoow inaad adigu aheyn midka aduunakan maamula,naf waliba waxeey leedahey dhaqan iyo caado u gaar ah,kula dhaqan qofka kale siduu yahey,hadaad dareento inuusan kaala mid aheyn meelo badan ogolow inuusan adiga aheyn uu yahey ruux kale eeyna u gaar tahey hab dhaqankiisa.
7-Iska ilaali qorshaha badan,qorshaha badan mararka qaar faa’iidooyin ayuu u leeyahay qofka bani-adamka hadana wuxuu ku reeba qofku mararka qaarkood fakar iyo walwal badan xasilintiisa,sidaas darteed qorshaha tirada badan waxa uu keena mashquul badan oo qofka ku yimaado intuu ku guda jiro,ka feejignow qorshaha tirada badan.
8-Ka taxadar dhumiyaha tabartada,mararka qaarkood waxaan awood badan ku bixina waxaan faa’iido ulehen nafteena in badanna an ku dhuminaa energy badan,markaan ogaano ayeey nagu noqotaa shaleey iyo calool xumo,,ka fogow inteysan ku qabsan.
9-Ka ilaali naftaada dadka dhibka badan,ku dadaal mar walbo inaad ka fogaatid dadka mar walbo mushkilada badan waxeey kuu keeni karaan dhib aadan adigu kasban buuqna kamabaxeeysid,isku day mar waliba inaad la saaxiibto dadka dhaqanka wanaagsan,naxariista badan,dabeecada qabow,dagdaga yar.
10-Raqiisi hawadaada,hamiga sare mararka qaarkood wax tar ayuu yahey balse waa markii aad in ka mid ah xaqiijin kartid,in badan waxaan nafteena ku abuurna hawooyin iyo riyooyin eey adagtahey ineey rumoowdo waxeyna isku badashaa waalli,isku day inaad yareeyso hawadaada si aad uga fogaato niyad jab.
11-Ha dagdagin,mar walbo ka fiirso tilaabo walbo oo aad qaadeyso iskuna day inaadan ku dagdagin fulinteeda.
12-Caawi kuwa dhibaateysan,caawinta kuwa dhibaateysan waxeey kordhisaa naxariista ka dhaxeysa umadda,markad qof cawisana waxa si toos ah u dareemeysa inuu jiro qof ka daran waxaadna ku farxeeysaa sidaad adigu tahey.
13-Naso shaqada dhaxdeeda,sameyso (break time) ama birirf yar waqtigaad shaqeyneyso,nasashadan yar waxaad dareemeysaa raaxo aad u yar waxaana ka dagayo culeyska shaqada.
14-Fududee culeyska howlaha ku sagayo,ku dadaal mar walbo inaadan reebin howlo faro badan oo aad u dib dhigato inaad qaban doonto,mar walbo howlahaaga dhamee markad ku guda jirto(howl ku sugeysa harkeeda lama harsado)
15-Cun cunto caafimaad leh,
16-Ku dadaal inaad u mahadnaqdo dadka aad la dhaqmeyso,mar walbo aad u mahad naqdo qof kale waxaad naftaada dareensiineysa macaanka eey leedahey mahadnaqa.
17-Haka tagin salaada,salaada waa sheyga u muhiimsan ee streska yareeyo qofka salaada joogteyo mar walbo uu tukado salaad waxaa ka dago culeys uu dareemi lahaa haduusan tukan,mida kale salaadu waxeey u roontahey qalbiga




Read more

Wednesday, January 20, 2016

CABSIDA GUUL DARADDA !!!!

Kaligaa ma ahan hadii aad ka baqdo guul daro. Waxaa la yiraahdaa cabsidu waa dareen ee ma ahan xaqiiq. Dareen kaas oo kuu muujiya ama si qiyaali ah kuugu sawira muuqaal guul daro.Ogow hadii aad ka baqdo wax kasta ee aad doonayso in aad qabato ma gaaraysid horumar.

Waa sax cabsidu waxa ay leedahay  qasaare laakiin adiga ayaa la doonayaa in aad ka fakarto oo si qoto dheer aad uga fakarto in cabsida ku haysa ay tahay qiyaali iyo in aad hesho xog xaqiiqi ah oo si la taaban karo kuu tusaysa guul darada.

Hadii aad damacdo in aad bilowdo ganacsi  laakiin aad iska dayso cabsi darteed adiga oo aan hayn xog xaqiiqi ah ,  isla markaana  qof kula mid ahi bilaabo kana helo faa'dio, horumarna ka gaaro, waa qasaare aad ku lumisay fursad kusoo martay cabsi darteed.

Ma ahan in aad ka cabsato guul daro... Guul daradu waxa ay noqotaa cashar hadii ay kusoo marto. Ula dhaqan guul darada sida saynis yahaniinta oo kale. Marka qof Saynis yahan ahi tijaabo sameeyo, waxaa u soo baxaa natiijooyin badan. Natiijooyin ka qaarkood waa faa'ido , qaarna waa guul daro, laakiin dhamaan najiitooyin ka oo dhan waxa ay tilmaamaan xaqiiq. Tijaabo kastana waxa ay noqotaa qayb horseeda xaqiiq da.

Sida dadka caadiga ahi u arkaan guul daradu way ka duwan tahay sida Saynis yahaniintu u arkaan. Qof ka caadiga hadii uu guul daraysto mar waxa uu u arkayaa in ISAGU uu yahay guul darada tusaale hadii qof ku mar Imtixaan ku dhaco waxaa loo arkaa in uu yahay damiin / aan caqli badnayn, hadii uu ku guuldaraysto ganacsi in uusan ahayn qof ganacsi wax ka yaqaan, laakiin intaas oo dhan waa been.
Guul daradu waa fursad kugu reebta qibrad iyo ilbaxnimo, cashar aad dheer tahay qof cabsada horumarna waarana kuu horseeda. 


xigasho: shabakada.com
Read more

Tuesday, January 19, 2016

10 arrimood oo kaa caawiya inaad xulato qof aad ku xasisho oo u qalma noloshaada!!

images (4)



Nolosha aduunka ee qadhaadhka iyo macaanka isku lifaaqan, waxa ay ku qurux badan tahay dabaalashadeedu adiga iyo wehel kuu qalma oo aad is heshaan.
Ha noqdo wehelkaasi mid meeshu doona ka soo jeeda, sida xaas ama say, saxiib, walaal ama waxa kale oo u dhigma. Si aad u dhadhansato dheef wax ku ool ah marka ay ku ahaato, waa inaad heshaa cidii ku dareensiin lahayd ee kula damaashaadi lahayd.
Haddaba waxa aad is waydiisaa qofka aad rabtaa tilmaamo nooce ah ayuu leeyahay oo aad dadka kaga soo canaysaa, ama kaga dhex xulanaysaa?
Si taasi kuugu fududaato waxa aad raacdaa oo ku xulataa qofkaaga tilmaamahan soo socda:- oo ah kuwa ugu munaasibsan ee qof lagu doorankaro
1:-ugu horayn naftaada barro adigu is weydii kuuma tahay? Oo baadhitaan ku samee waxa aad ku liidato iyo waxa ay ku wanaagsan tahay waxa ay ku sahlaysaa inay doorato, oo aad hesho qof aad is fahantaan oo kula dabeecada ah iyo dhaqan ah
2:-qof alle ka cabsi leh raadso oo alle ku xidhan is ay u liibaanto nololsha aduun iyo ta aakhiraba, haddii aad qof ilaahay dartii u saxiibtaan oo aad walaalowdaan waxa aad mudan tihiin inaad aakhirana kuwa hadhka eebe hoos galla sida rasuulkuba inoo sheegay (SCW)
3:-doorro qof aqoon leh si aad ugu dayato waxna uga barato waxa ay ka dhigan tahay inay heshay qayb weyn oo nolosha ka mid ah
4:- qof kal gacal leh inaad hesho qof kalgacal leh soo dhawayn wanaagsan oo waji furan leh farxadna dushiisa ka muuqato
5:-dabeecad  dabeecadu waa ta ugu muhiimsan ee labada qof isku xidha xidhiidhkoodu inuu sii jirana suurta galisa. Waxa ay ku dhaxalsiinaysaan inaad is fahantaan oo abidkiin wadaagtaan farxad wanaagsan
6:- han iyo himilo qofka aad dooranayso ee aad rabto inaad wadaagtaan nolosha dhib iyo dheefba. Haddii uu yahay qof leh han sare oo hiyigiisu uu fog yahay waa nasiib iyo ayaan alle kula kulansiiyay.
7:- isku aragti qofka aad doonayso inaad nolosha la wadaagto ka hor inta aanad la sameyn xidhiidh saxiibtimo ama wehelnimo waa inaad ogaataa fikirka uu aaminsan yahay iyo aragtida uu qabo. Waa inuu ahaadaa mid kula aragti ah, haddii ay aragtidiisu ka fogtahay xaqiiqada ama aydaan isla jaanqaadi Karin waxa adkaanaysa wadaagista noloshiina.
8:- qalbi wanaag qalbi wanaagu waa tilmaan ka mid ah tilmaamaha ugu haldoorsan ee lagu doorto qof kaste oo xidhiidh idin dhexmaraayo. Siiba waxa uu aad ugu muhiimsan yahay saxiibka aad rabto inaad nolol wadaagtaan.
9:- naf hurrid ku xulo qofka aad doonayso inuu noqdo saxiibkaaga nolosha tilmaantan. Waa inaad ogaataa kaalinta uu kuu buxin karo, hadii xaal aduun oo dhib iyo dhaawacba leh waa inuu ahaadaa qof ku garab istaaga
10:- hawl kar ama karti qof hawl kar ah oo waxqabad iyo da’daal leh,  waxa uu kaa caawin karaa inaad arrimo badan iska kaashtaan hawlo badan oo aad u baahan tahay kuu fududeeya. Sidee qofkaas lagu helikaraa? Suurto gal ma tahay inaad hesho qofkaas? Haddaba ku da’daal inaad ka run sheegto xidhiidhka saxiibtinimo waayo daacadi ma hungowdo. Abwaan hadraawi waa kii lahaa “qofba wuxu ku daganyahay, halka uu daacad kaga hadho”
Haddaba akhriste qofka aad dooranaysaa waa inuu noqdaa, qof qalbi ballaadhan oo qalbi nadiifa leh. Kana fog xaasidnimo iyo xiqdi uu ku qaado qofka qalbi wanaagsan ee aad doonaysaa, waa qof jecel horumarkaaga kuna faanaya badhaadhahaaga kana murugoonaya dhibkaaga iyo dhaawacyada kala duwan ee soo waajaha noloshaada

xigasho: faaido.com

ka faaidaysi wacan
Read more